Badhasaabka Gabiley oo la Shiray Guddida 18-ka May ee Heer Gobol.

Gebiley-Badhasaabka gobolka Gabiley, Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddida qaban-qaabada xuska maalinta qaran ee 18-ka May, kuwaasi oo uu dhawaan magacaabay.

Kulankan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray dardargelinta iyo isku-dubbaridka hawlaha la xidhiidha diyaarinta munaasabadda weyn ee maalinta qaran.

Intii uu socday kulanku, Badhasaabku waxa uu guddida ku boorriyey inay muujiyaan dadaal dheeraad ah, isla markaana ay si hufan u maareeyaan masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Waxa uu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xuska 18-ka May uu noqdo mid si heer sare ah loo agaasimo, kana tarjumaya qiimaha taariikheed iyo mid qaran ee ay maalintani u leedahay bulshada Somaliland.

Guddida qaban-qaabada ayaa dhankooda soo bandhigay qorshayaal iyo tallooyin la xidhiidha sida loo hirgelin karo munaasabad si wanaagsan loo abaabulay, iyaga oo muujiyey diyaar garow buuxa iyo ka goโ€™naan ay ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan hawsha loo igmaday.