Hargeysa-Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay saadaal muujinaysa roobab la filayo inay ka da’aan qaybo ka mid ah gobollada dalka muddada u dhaxaysa 7-da ilaa 14-ka April 2026.
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in roobabka loo yaqaan Guga ay si gaar ah uga di’i doonaan gobollada Awdal, Maroodi-jeex iyo Sanaag, halkaas oo la saadaalinayo inay gaadhaan qiyaas dhan 30mm ilaa 40mm.
Sidoo kale, gobollada Saaxil, Togdheer iyo qaybo ka mid ah gobolka Sool ayaa iyaguna heli doona roobab dhexdhexaad ah oo u dhexeeya 20mm ilaa 30mm.
Saadaashan ayaa lagu saleeyay xog laga helay hay’adaha caalamiga ah ee cimilada, iyadoo la xusay in isbeddello yar-yar ay ku iman karaan sida ay xaaladuhu isu beddelaan.
Ugu dambayn, Waaxda Saadaasha Hawadu waxay bulshada, gaar ahaan beeralayda iyo xoolo-dhaqatada, ku boorrisay inay ka faa’iidaystaan roobabkan la filayo, isla markaana ay la socdaan wixii warar cusub ee la xidhiidha cimilada toddobaadyada soo socda.

