Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo WFP Kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga iyo Horumarinta Mashruuca KOICA.

Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Cumar Shucayb Maxamed, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), kaas oo lagu xoojinayey iskaashiga labada dhinac iyo dardargelinta hirgelinta mashruuca KOICA iyo mashaariic kale oo la xidhiidha horumarinta xoolaha.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray kor u qaadista wax-soo-saarka xoolaha, taageerada xoola-dhaqatada, iyo sidii loo xoojin lahaa u adkeysiga saameynta isbeddelka cimilada.

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyey wada-shaqeynta wanaagsan ee WFP, isaga oo muujiyey muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashigan.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka ayaa shahaado sharaf ku guddoonsiiyey Madaxa Xafiiska WFP ee Somaliland, Khaalid Qudsi, oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah shaqaalaha farsamo ee hay’adda, si loogu aqoonsado doorkooda wax-ku-oolka ah ee horumarinta iyo taageerada bulshada xoola-dhaqatada.