Hargeysa- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa soo saaray digreeto Madaxweyne oo uu ku sameeyey magacaabis, xil-ka-qaadis iyo isku-shaandhayn lagu sameeyey qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada.
Sidoo kalena lagu magacaabay la taliye sare iyo xubin ka tirsan mid ka mid ah guddiyada qaranka.
Digreetada Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay wasiirro cusub oo ay ka mid yihiin:
1. Mudane Barkhad Batuun, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda.
2. Mudane Aadan Geedi Qayaad, Wasiirka Horumarinta Beeraha.
3. Mudane Maxamed Cabdi Maalik, Wasiirka Horumarinta Biyaha.
4. Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.
Sidoo kale, isku-shaandhayn ayaa lagu sameeyey qaar ka mid ah Wasiir Ku-xigeennada wasaaradda qaranka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin:
1. Mukhtaar Xaaji Muxummed Faarax – Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta Biyaha.
2. Eng. Maxamed Cilmi Xuseen (Huuno) – Wasiir Ku-xigeenka Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.
3. Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaaydh) – Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska.
4. Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul – Wasiir Ku-xigeenka Maalgashiga iyo Wershadaha.
5. Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahi – Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta Caafimaadka.
6. Marwo Samsam Maxamed Saalax Yacniile – Wasiir Ku-xigeenka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada.
7. Eng. Maaliki Cabdi Xasan Xirsi – Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta Beeraha.
Sidoo kale, Dr. Maxamed Cismaan Fadal ayaa loo magacaabay La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, halka Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi loo magacaabay xubin ka tirsan Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Somaliland oo ah hay’ad muhiim u ah nidaamka dimuqraadiyadda iyo axsaabta dalka.


