Taliyaha Booliska oo ka soo Laabtay Socdaal uu ku tagay Ingiriiska.

Hargeysa-Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, iyo wafti saraakiil ah oo uu hoggaaminayay oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Ingiriiska, ayaa si rasmi ah ugu soo laabtay dalka , waxaana Madaarka Caasimadda Hargeysa kusoo dhaweeyay Taliye ku xigeenka koobaad ee Ciidanka Booliska JSL iyo Saraakiil sare.

Taliyaha ayaa intii uu joogay Ingiriiska kulamo muhiim ah la qaatay taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidamada dalkaasi, kuwaas oo lagaga wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta labada ciidan.

Sidoo kale, waxa si qoto dheer diiradda loo saaray sidii loo horumarin lahaa xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo tababarrada ciidamada.

Intii uu ku sugnaa Ingiriiska, Taliyaha Ciidanka Booliska JSL iyo waftigiisu waxa ay booqdeen talisyo kala duwan oo ka tirsan ciidamada Booliska Ingiriiska, iyaga oo u kuur-galay hababka shaqo, nidaamyada casriga ah, iyo khibradaha la xidhiidha sugidda amniga.

Dhanka kale Taliyaha ayaa kulan la qaatay qurba joogta Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska , waxaanay iska xog-waraysteen xaaladda guud ee dalka ee dhinaca amniga iyo horumarka ka hana qaaday.