Wajaale-Alle ha u naxariistee, waxa maanta abaaro 1:00 duhurnimo ku geeriyooday marxuum Suhayb Xuseen Daa’uud, oo 18 sano jir ahaa, kadib markii uu ku hafaday dhaam uu ku dabaalanayay.
Falkan ayaa ka dhacay Daanta Itoobiya ee degmada Tog-Wajaale, gaar ahaan Tuulada Maxamed Cali.
Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta Wajaale, ayaa si degdeg ah uga falceliyay dhacdada, iyagoo adeegsanaya xirfado samatabixin ah, waxaana ay si guul leh uga soo saareen maydka marxuumka Balliga, kadibna ku wareejiyeen laanta dambi-baadhista.
Ciidanku waxay bulshada ugu baaqeen in xilliga roobabka laga fogaado khataraha ka dhasha balliyada, dhaamamka, laagaha iyo dooxyada.



