𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐞𝐟𝐭𝐢 𝐮𝐮 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐰𝐝𝐚𝐥 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐞𝐥𝐞𝐥.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wefti culus oo u hoggaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada Boorama Weftiga uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenku JSL ayaa safarkoodu waxa uu la xidhiidhaa ama uu hordhac u yahay xal-u-helidda Colaadda ka aloosan Gobollada Awdal iyo Selal.

Safarka Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa ku wehelinaya Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Tamarta iyo Macdant iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝