Hargeysa-Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa sheegay in guul laga gaadhay dedaalladii nabadaynta ee deegaannada Waqdariya iyo Shidan ee Gobolka Sanaag isla markaana laga gaadhay isfahan buuxa shaqaaqooyin dhawaan halkaas ka dhacay.
Wasiirka oo hoggaaminayay wefti uu Madaxweynaha Somaliland diray, ayaa xaqiijiyay in hawshii loo igmaday ay si nabad ah ku soo dhammaatay, iyadoo dhinacyadii deegaanka ay is afgarteen.
Wasiir Geeljire wuxuu xusay in aanay jirin wax diidmo ah oo ka yimid deegaanka Shidan, gaar ahaan arrimaha qarameynta, taas oo muujinaysa horumar laga gaadhay wadahadalladii.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray in weftiyo kale loo diri doono dhinacyada kale si loo xoojiyo nabadda, isaga oo muujiyay rajo laga qabo dib u heshiisiineed Laga dhex aslaaxiyo beelaha walaalaha ah ee wada degan Gobolka Sanaag.

