๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐—๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐ฌ๐š ๐๐š๐š๐๐ก๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š-๐—๐ข๐ฌ๐š๐š๐›๐ญ๐š๐ง๐ค๐š.

๐‡๐š๐ซ๐ ๐ž๐ข๐ฌ๐š โ€“ Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ๐Œ๐. ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข ๐—๐š๐ฌ๐š๐ง ๐€๐š๐๐ž๐ง ayaa tabobar u furay ๐Ÿ“๐ŸŽ ๐ฌ๐š๐ซ๐ค๐š๐š๐ฅ oo ka tirsan Waaxda Baadhista Gudaha ee Wasaaradda.

Tabobarkan, oo socon doona muddo ๐Ÿ๐Ÿ“ ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ฆ๐จ๐จ๐ ๐š๐ก, waxa uu ujeedkiisu yahay kor-u-qaadista aqoonta iyo xirfaddaha shaqaalaha, si loo xoojiyo awoodda hawl-qabad, wax-soo-saarka iyo fahamka saxda ah ee ku-dhaqanka xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed ee Dalka.

Tabobarkan oo ah wejigii labaad waxa iska kaashanaya Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Adduunka, waxaana si wadajir ah u fulinaya shirkadda maxalliga ah ee Merit Advisory Services LLP iyo shirkadda caalamiga ah ee Crowe International COR LLP.

Ujeeddada tabobarku waa in la hubiyo in habraacyada maaliyadeed, gaar ahaan kuwa la xidhiidha maaraynta dakhliga, ay u socdaan si waafaqsan xeerarka dalka, siyaasadaha Wasaaradda, iyo mabaadiโ€™da isla-xisaabtanka iyo dawlad-wanaagga.

Waxa kale oo uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaraddu ku xoojinayso nidaamyada maamul-wanaagga iyo kor u qaadista tayada adeegyada maaliyadeed ee ay bixiso.

Inta uu tabobarku socdo, waxa si gaar ah uga faaโ€™iidaysan doona shaqaalaha Waaxda Baadhista Gudaha, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata hubinta u hoggaansanaanta xeerarka iyo ilaalinta habsami-u-socodka nidaamka dakhliga. Tabobarku waxa uu diiradda saari doonaa:

โ— Kordhinta aqoonta xirfadeed iyo tayeynta kartida shaqo, si shaqaaluhu u yeeshaan faham qoto dheer oo ku saabsan xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed.

โ— Middeynta fahamka habraacyada dakhliga, si loo yareeyo kala-duwanaanshaha fasiraadda iyo ku-dhaqanka xeerarka.

โ— Kor u qaadista kalsoonida iyo isla-xisaabtanka gudaha, iyadoo la xoojinayo nidaamyada kormeerka iyo dabagalka.

Wasiirku waxa uu ku boorriyey ka-qaybgalayaasha in ay si firfircoon uga faaโ€™iidaystaan tabobarka, isla markaana ay aqoonta iyo waayo-aragnimada ay helaan ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah, si loo xaqiijiyo nidaam maaliyadeed oo hufan, isla-xisaabtan leh, kana turjumaya masโ€™uuliyad qaran..