Warbixin Faaqiday Sida Somaliland isu Bixiyay Taageeri La’aan.

Hargeysa-Warbaahinta AfriNews 24 ayaa daabacay lafo-gur ku saabsan sharcinimada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo doorkeeda juquraafi-siyaasaddeed ee Geeska Afrika.

Falanqayntu waxay iftiimisay in Somaliland ay si weyn u buuxisay shuruudaha Heshiiskii Montevideo, oo ah aasaaska aqoonsiga dawladaha.

Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay leedahay dhammaan tiirarka dawladnimo oo ay ka mid yihiin shacab, soohdimo cayiman, iyo nidaam dawladnimo oo shaqaynaya.

Sidoo kale, warbixintu waxa ay si gaar ah loo iftiimisay muhiimadda istiraatiijiga ah ee dekedda Berbera iyo maalgashiga DP World, kuwaas oo door weyn ku leh amniga iyo ganacsiga marinnada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale, falanqayntu waxay tilmaamaysaa in aqoonsiga Israa’iil uu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo kordhin karta doorka Somaliland ee gobolka, isla markaana u furi karta fursado cusub oo dhaqaale iyo diblomaasiyaddeed.

Waxa kale oo warbixintu waxa ay ka marag furtay sida Jamhuuriyadda Somaliland u dhisayay dalkeeda, iyadoo aan wax taageero ah ka helin caalamka.