Hargeysa-Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiisha, hoggaamada iyo taliye-qaybeedyada Ciidanka Booliska, kaas oo diiradda lagu saaray diyaar-garowga munaasabadda Ciidul-Fidriga.
Kulankan ayaa si qoto dheer loogu lafoguray qorshayaasha lagu sugayo amniga iyo habsami u socodka dabaal-degyada Ciidda, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hawlgallada.
Taliyaha ayaa faray dhammaan qaybaha ciidanka inay muujiyaan heegan buuxa, si loo xaqiijiyo nabadgelyada shacabka iyo ilaalinta xasilloonida inta lagu jiro maalmaha Ciidda.


