Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan Afur ah qasriga madaxtooyada kula qaatay Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.
Kulanka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa ku qabsoomay jawi is-ixtiraam iyo is-afgarad leh, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta nabadda, amniga iyo wadajirka bulshada ee Gobollada Awdal iyo Selel.
Madaxweynaha iyo Ugaaska guud ayaa ka wada hadlay doorka muhiimka ah ee hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin ilaalinta xasilloonida iyo xoojinta wada noolaanshaha bulshada.
Madaxweynaha ayaa Ugaaska ku bogaadiyey kaalinta ay hoggaanka dhaqanku kaga jiraan nabadda iyo isku haynta bulshada, isaga oo xusay in Xukuumaddu mar walba diyaar u tahay wada-shaqayn dhow.
Ugaaska Guud ayaa dhankiisa Madaxweynaha uga mahad naqay kulanka, isaga oo muujiyey sida ay uga goโan tahay sii xoojinta nabadda, midnimada iyo wada noolaanshaha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






