Dekedda Berbera oo Noqonaysa Xarun Ganacsi oo Muhiim u ah Geeska Afrika.

Hargeysa-Dekedda caalamiga ah ee Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed ayaa sanadihii u dambeeyay samaysay horumar muuqda, kadib maalgelin iyo casriyeyn ballaadhan oo ay ku samaysay shirkadda caalamiga ah ee DP World.

Warbixin ay baahisay Wakaaladda AFP, isla markaana ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegtay in Dekedda Berbera hadda loo arko mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee sida xawliga ah u kobcaya ee ka hanaqaadaya Geeska Afrika.

Maamulka dekedda Berbera ayaa tilmaamay in dhaqdhaqaaqa konteenarrada iyo maraakiibta uu kordhay ku dhawaad 30 boqolkiiba, muddadii u dhaxaysay sanadihii 2023 ilaa 2025, taasoo muujinaysa koboca ganacsi ee dekeddu samaysay.

Masuuliyiinta dekeddu waxay sidoo kale sheegeen in wadahadallo lala wado dalka deriska ah ee Itoobiya, oo aan lahayn bad, ay furi karaan fursado ganacsi oo waaweyn. Itoobiya oo leh suuq ballaadhan oo ay ku nool yihiin in ka badan 130 milyan oo qof ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato koboca dekedda.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in aqoonsigii dhowaan Israaโ€™iil siisay Somaliland laga filayo inuu kordhiyo xiisaha maalgashi iyo ganacsi ee dekedda Berbera, iyadoo maamulka dekeddu tilmaamay in arrintaasi horseedi karto balaadhin cusub oo lagu sameeyo dekedda.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in xidhiidhka ay la yeelatay Israaโ€™iil uu yahay mid ku salaysan iskaashi iyo horumar, isla markaana Somaliland ay doonayso inay door ka qaadato xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Maamulka magaalada Berbera ayaa rajo ka muujiyay in koboca ganacsi iyo fursadaha cusub ay mustaqbalka ka dhigi karaan Berbera xarun ganacsi oo muhiim ah oo ka hanaqaadda Geeska Afrika, iyagoo intaas ku daray in maalgelinta dekedda lagu sameeyay ay sare u qaaday dakhliga canshuuraha iyo adeegyada bulshada sida dugsiyada hoose iyo xarumaha caafimaadka.