๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐๐๐ซ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐๐ ๐๐ฒ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Cadaaladda JSL, waxana halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Shaqaale weynaha Wasaaraddaasi.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa ugu horrayn xadhiga ka jaray dhisme cusub oo casri ah oo lagu soo kordhiyey Wasaaradda Caddaaladda. Intaa kaddib, Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu soo kormeeray waaxaha iyo xafiisyada ay ka kooban tahay Wasaaraddu.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JSL, Mudane Yoonis Axmed Yoonis oo halkaasi ugu ka hadlay ayaa Madaxweyne ku-xigeenka uga xog warramay shaqada iyo hawlaha muhiimka ah ee ay Wasaaraddu uga wakiilka tahay Qaranka Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaas ka hadlay ayaa masuuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda ku bogaadiyey shaqada ay Qaranka u hayaan, waxana uu yidhi:”
Farxad gaar ah ayay maanta ii tahay in aan joogo Wasaaradda Caddaaladda JSL oo shaqo weyn bulshada u haysa. Waxa aan idinkula dardaarmayaa madaama aad Wasaaradaha kale ka duwan tihiin in aad shaqada Qaranka sii laban laabtaan.”
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐






