Taliye Ku-xigeenka Booliska Kormeer Amni ku Tagay Suuqyada Hargeysa.

Hargeysa-Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdi Axmed Tiir, iyo Hoggaanka Hawlaha Ciidanka Booliska, Sarreeye Guuto Ibraahim Cabdi Xaaji, ayaa caawa kormeer shaqo ku tagay suuqyada waaweyn ee Caasimadda Hargeysa.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd xaqiijinta iyo xoojinta amniga guud ee suuqyada iyo goobaha ganacsiga, gaar ahaan inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, oo ay kordhaan isu-socodka shacabka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi.

Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa hore u soo saaray awaamiir lagu adkaynayo nabadgelyada caasimadda, si loo sugo ammaanka, loona ilaaliyo hantida iyo badbaadada shacabka muddada Ramadaanka.