Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa abaal-marimmo kala duwan oo qaali ah guddoonsiiyey Ardaydii Kaalmaha Sare ka gashay tartanka Qurโaanka Kariimka ah ee Madaxweynaha ee bisha Barakaysan ee Ramadaan oo la soo gebo gabeeyey.
Munaasibadda Abaalmarinta Tartanka Madaxweynaha ee Bisha Ramadaan oo ay ku tartamaan Daโyarta Xufaadda ah ee ka kala socota Gobollada dalka ee Wiilasha iyo Hablaha oo uu Madaxweynuhu ku soo kordhiyey ayaa ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada JSL waxana Madaxweynaha kala qayb galay Madaxda Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, xubno ka mid ah Culimada dalka iyo qaar kamid ah macallimiintii ardaydan ku soo tacabtay.
Kaalinta koowaad ee tartanka Qurโaanka Kariimka ah ee wiilasha waxa ku guulaystay Cabdilaahi Jaamac Saalax, oo ka socday Gobolka Sanaag, waxana uu Madaxweynuhu guddoonsiiyey Gaadhi cusub oo uu mulkiyaddiisa yeelanayo, halka Xamse Cabdiraxmaan Saalax oo ka socday Gobolka Maroodi-jeex uu ku guulaystay kaalinta labaad, iyo Cabdirisaaq Axmed Jaamac oo ka socday Gobolka Togdheer oo ku guulaystay kaalinta saddexaad uu la guddoonsiiyey hadiyado kala duwan oo ay ku mutaysteen kaalmaha sare ee ay ka galeen Tartanka Qurโaanka ee ay galeen.
Dhinaca kale, waxa uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) sannadkii labaad oo xidhiidh ah uu Abaalmarimmo qaali ah guddoonsiiyey saddexdii hablood ee ugu sarreeyey Tartanka Qurโaanka Kariimka ah ee Hawlaha khaaska u ah, waxana kaalinta koowaad gashay Rayaan Xuseen Axmed oo ka socotay Gobolka Awdal waxaana gacanta laga saaray abaal marin Dahab ah, halka Caasha Aadan Ducaale oo ka socotay Gobolka Maroodi-jeex ay kaalinta labaad ku guulaysatay iyo Bushra Cabdi Cali oo ka socotay gobolka Awdal, kaalinta saddexaadna ku guulaystay la guddoonsiiyey Abaal-marinno qaali ah oo kala duwan oo ay aad ugu farxeen.
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu Cumro dhammaystiran ku abaal mariyey maamulayaashii gacanta ku hayey Ardaygii kaalinta koowaad ka galay Tartanka Qurโaanka Kariimka ah ee Wiilasha iyo Ardayaddii kaalinta koowaad u gashay tartanka qaybtiisa Hawlaha.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐













