Maraykanka waanu kala Xaajoonaynaa inuu Heshiisyo la galo Somaliland” Wasiirka Madaxtooyadda.

Hargeysa- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa caddeeyay in Somaliland diyaar u tahay inay Maraykanka heshiis kala gasho macdanaha qaaliga ah ee ku jira dalka, isla markaana uu saldhig ciidan ku yeesho xeebaha istiraatiijiga ah ee Somaliland.

Wasiir Khadar oo waraysi siiyey wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in xukuumaddu u diyaar garowday la wadaagista khayraadka dabiiciga ah quwadaha caalamka, gaar ahaan Maraykanka, xilli Washington ay Afrika ka waddo dedaallo ay ku raadinayso macdano muhiim u ah danaha istiraatiijiga ah ee Maraykanka.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa dhawaan caddeeyey in Somaliland ay hodan ku tahay khayraad dabiici ah, isla markaana ay heshiis la geli doonto cid kasta oo diyaar u ah inay siiso aqoonsi caalami ah.