Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland, Mudane Cali Diiriye Axmed, ayaa degmada Laasgeel ka furay Koobka Ramadaanta, kaas oo ay ka qayb galeen wasiiro, agaasimeyaasha wasaaradaha, maamulka degmada iyo dhalinyaro badan.
Mudane Cali Diiriye ayaa sheegay in ciyaaruhu muhiim u yihiin caafimaadka dhallinyarada iyo is dhexgalka bulshada, isla markaana ay ka caawinayaan dhalinyarada inay ka fogaadaan waxyaabaha aan faa’iidada lahayn.
Waxa uu amaanay guddida dhalinyarada ee abaabulay tartanka, gaar ahaan Aadan iyo Cali iyo kooxda xidhiidhka ciyaaraha ee degmada iyo gobolka oo kaalin weyn ka qaatay guusha barnaamijka.
Waxaanu yidhi.”Ciyaaruhu waxay mihiim u yihiin caafimaadka dhallinyarada, is dhexgalka bulshada, waxyaabo badan oo dhallinyaradu kaga mashquuli lahaayeen ayay kaga jeesanayaan, marka haddii awoodii kugu jirtay aanad naftaada gelin wax kale ayaad ku mashquuleysa.
Waxaan leeyahay dhallinyarada maanta ciyaaruhu u bilaabmeen ee reer Laasgeel, si fiicaan oo ixtiraam iyo kala danbey leh ay ciyaarahaasi ugu dhammaan doonaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo.
Waan ku ammaanaya guddida dhallinyarada ah ee barnaamijkan k a soo shaqeeyay, ee ay ugu horeeyeen Aadan iyo Cali iyo kooxda xidhiidhka ciyaarraha ee degmada iyo gobolkaba oo dhab ahaantii kaalin weyn ka qaatay in barnaamijkani qabsoomo.”

