Hargeisa (SOLNA) – Hay’adda caalamiga ah ee DT Global ayaa heshiis wada shaqayn (MoU) oo istiraatiiji ah la saxeexatay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland (MoICNG).
Hay’addan oo kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl gala dalkan Somaliland ayaa heshiiskan ay wasaaradda warfaafinta la saxeexatay Sabtidii maanta waxaa nuxurkiisu ahaa ilaalinta iyo dhawrista dhaqanka.
Waxa heshiiska mashruucan maalgelinaya Hay’adda Iskaashiga Horumarinta ee dalwadda Switzerland (SDC), waxaana si wada jir ah u hirgelinaya Hay’adda DT Global iyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta, gaar ahaan waaxda Dhaqanka.
Mashruucan waxa uu ka taageeri doonaa Wasaaradda diyaarinta Hab-raacyo Qaran oo lagu ilaalinayo Dhaqanka aan la taaban Karin (Intangible Heritage – ICH), kaas oo waafaqsan xeerarka caalamiga iyo kuwa Hay’adda UNESCO.
Waxa kale oo mashruucu dhisi doonnaa cudduda shaqaalaha iyo madax qaybeedyadda Wasaaradda ee ka shaqeeya Waaxda Dhaqanka, Kaydka Cajaladaha Idaacadda, Kaydka Telefishanka Qaranka iyo dhammaan xirfadlayaasha iyo hal-abuurka ku hawlan kaydka iyo dhawrista arrimaha Dhaqanka.
Heshiiska waxa si wada jir ah u saxeexay: Wasiir ku xigeenka ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta JSL Mudane Muuse Askar Guuleed, iyo Madaxa Mashaariicda DT Global ee Somaliland Mudane Mukhtaar Yuusuf Cismaan.
Waxa kale oo goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdisalaan Maxamuud Du’aale, kaas oo ku tilmaamay heshiiskan mid wax badan ku soo kordhinaya Wasaaradda.
Masuuliyiinta kale oo ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa: Agaasimaha Waaxda Dhaqanka Mudane Abokor Caddaawe Raage (Buulla-xuubay), Ku-xigeenka Marwo Fathia Axmed Jimcaale, Agaasimaha Qorshaynta iyo Siyaasadda Mudane Jaamac Cawil Nuux, Madaxa Mashruuca C4P, Marwo Muna Axmed Cumar iyo Madaxa Mashruuca PSPH Mudane Axmed Aadan.


