Wasiirka Wefti uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaadhay Gobolka saraar

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ku guda jira safar shaqo oo ay ku marayaan gobollada Bariga dalka, ayaa si rasmi ah u gaadhay degmooyinka Wiriir iyo Waridaad ee gobolka Saraar.

Socdaalkan ayaa ahaa mid qorshaysan oo lagu xoojinayo kormeerka tooska ah ee xarumaha caafimaad ee ku yaalla deegaannada fog, si loo ogaado baahiyaha dhabta ah ee jira iyo heerka ay marayaan adeegyada la siiyo bulshada.

Weftiga waxa ka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, iyo Agaasime-waaxeedyada kala duwan, kuwaas oo mid mid u qiimeeyay habsami u socodka shaqada, nidaamka maamulka, iyo sida ay xarumuhu uga jawaabaan baahiyaha bulshada ku xeeran. Masuuliyiintu waxay sidoo kale la kulmeen maamulka degmooyinka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si ay u dhagaystaan talooyinka iyo caqabadaha jira.

Intii uu kormeerku socday, Wasiirka iyo weftigiisu waxay si gaar ah u booqdeen Xarumaha Hooyada iyo Dhalaanka ee labada degmo, halkaas oo ay warbixin faahfaahsan kaga dhegeysteen shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala xarumahaas. Waxa la dul istaagay xaaladda adeegyada hooyada uurka leh, daryeelka carruurta, helitaanka daawooyinka aasaasiga ah, qalabka caafimaad iyo baahiyaha kale ee lagama maarmaanka u ah kor u qaadidda tayada adeegga.

Safarkan shaqo waxa uu qayb ka yahay istaraatiijiyadda Wasaaradda ee lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka guud ahaan Somaliland, gaar ahaan deegaannada ka fog magaalooyinka waaweyn. Ujeeddadiisu waa in la hubiyo in adeegyada caafimaad ee aasaasiga ahi gaadhaan bulsho kasta, in la kordhiyo tayada daryeelka hooyada iyo dhalaanka, lana dardar geliyo qorshayaasha horumarineed ee lagu dhisayo nidaam caafimaad oo adkaysi leh oo u adeega dhammaan shacabka.