Hargeysa- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Ismaaciil Ducaale Yuusuf oo uu weheliyo Agaasimaha Guud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti heer sare ah oo ka socday hayโadaha Education Cannot Wait (ECW) iyo UNICEF.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta mashaariicda waxbarasho ee ay hayโadahani ka fuliyaan Somaliland iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo saaxiibbada caalamiga ah. Weftiga oo uu hoggaaminayay Madaxa Waxbarashada ECW, Diana Nelson, ayaa wasiirka la wadaagay warbixin ku saabsan horumarka qorshayaasha lagu taageerayo carruurta ku nool deegaannada u baahan gargaar degdeg ah.
Wasiirku wuxuu uga mahadceliyey hayโadaha taageerada joogtada ah ee ay siiyaan nidaamka waxbarashada, isaga oo caddeeyey in Wasaaraddu diyaar u tahay fududaynta dadaallada lagu gaadhayo waxbarasho tayo leh oo gaadha dhammaan bulshada. Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad lagu xoojinayo wada shaqaynta mustaqbalka ee labada dhinac.
