Shir Lagaga Hadlay Qaybo-qiraalka Sumadaha Ganacsiga oo Lagu Qabtay Hargeysa Hargeysa

Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qabatay kulan ballaadhan oo la tashi ah oo lagu fallanqeeyey qaybo ka mid ah Qoraalka Xeerka Summadaha Ganacsiga.

Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah laga helo daneeyayaasha kala duwan si loo helo xeer dhammaystiran, isla markaana waafaqsan baahiyaha ganacsatada iyo suuqyada dalka.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Eng. Maxamuud Xuseen Aadam (Jabaake)Agaasimaha Guud ayaa khudbaddiisa ku adkeeye “Muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda milkiilayaasha summadaha ganacsiga. Kulanka waxaa soo xidhay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane C.raxmaan Xasan Nuur.“

Wasiirku wuxuu ku bogaadiyey ka qaybgalayaasha doorkooda firfircoon, isaga oo xusay in talooyinka la soo jeediyey lagu dari doono dib u habaynta kama dambaysta ah ee xeerka.”Wuxuu carrabka ku adkeeyey:In xeerka summadaha ganacsigu yahay tiir muhiim u ah ilaalinta tartanka suuban. In Wasaaraddu ka go’an tahay dhammaystirka xeerkan oo u adeega danaha qaranka.