Hargeysa-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay cabasho ka soo yeedhay nin Suuriyaan ah oo maxkamadda degmada Hargeysa waaran u soo jartay.
Ciidanka Boolisku waxa ay qoraal ay soo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin qaabkii ninkaasi Suuriyaanka ah loo qabtay, waxana qoraalkii ay soo saareen u dhignaa sidan:-“Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu caddaynayaa wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee la xidhiidha kiis nin u dhashay dalka Suuriya, kaas oo muuqaallo ku faafiyey baraha bulshada, kana cabanayay qaabkii loo qabtay.
Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu xaqiijinayaa in ninkaasi Maxkamadda Degmada Hargeysa ay u soo jartay waaran qabasho ah.Si kastaba ha ahaatee, Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si aada uga xun yahay qaabka ay wax u dhaceen intii hawlgalkaasi socday. Sidaas darteed, waxa si degdeg ah tallaabo looga qaaday Askartii falkaas samaysay , waxaana haatan socda baadhitaan dheeraad ah.
Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa mar walba ka go’an ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo dadka ku sugan dalka, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka dalka u yaalla.”
