Hanti-dhawraha Guud oo Xidhay 7 Masuul oo ka Tirsan D/Hoose ee Burco

Hargeysa-Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Somaliland ayaa xabsi dhexe ee magaalada Burco u taxaabay toddoba masuul oo ka tirsanaa Dawladda Hoose Burco, kuwaas oo lagu eedeeyey lunsi hanti qaran.

Masuuliyiinta la xidhay ayaa kala ah Amiin C/laahi Yaasiin, Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Burco; Diiriye Sugaal Rooble, Madaxdii Jaangoynta Dhulka; C/laahi Muuse Maxamed, Xisaabiyihii Dawladda Hoose Burco; Maxamed Xaaji Muuse Shire, Joomitir; Faarax Muuse Siciid, Joomitir; C/casiis Jaamac Ismaciil, Madaxa Iibka Dawladda Hoose Burco; iyo Maxamed Cali Xirsi, Joomitir.

Waa markii u horreysay ee muddo sannado ah Hantidhawrka Guud uu masuuliyiin dawladdeed u xidho eedo la xidhiidha lunsi hanti ummaddeed.