Madaxweyne Cirro oo ka Warramay Xidhiidhka Somaliland Doonayso inay la yeellato Maraykanka

Hargeysa-Shabakadda Caalamiga ah ee Semafor, ayaa warbixin dheer ka qortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay ku waraysteen Magaalada Dubia ee dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku joogo socdaal shaqo.

Warbixinta Semafor ka qortay Somaliland oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa ay ku sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay qorshaynayso inay aqoonsigii ay ka heshay Israel uga faa’iidaysato inay Qaddiyaddeeda aqoonsi raadinta gaadhsiiso Washington iyo caasimadaha waaweyn ee dunidda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa caddeeyay in Somaliland ay soo bandhigi doonto inay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah, oo dano ugu jirto Maraykanka iyo Madaxweyne Donald Trump.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu tilmaamay in aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israel uu noqday dhacdo taariikhi ah oo saameyn togan ku yeellatay meeqaamka Somaliland ee caalamku uu aad u kordhay oo dunidu u soo jeedsatay Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu tibaaxay in dareemada Dalalka qaar ay kaga soo horjeedsadeen ictiraafka Israa’iil ay siisay Jamhuuriyadda Somaliland ay yihiin qaar la filayay oo inta badan ku sallaysan dano siyaasaddeed iyo faham darro laga haysto taariikhda Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku ladhay in Somaliland ay ka horreysay Soomaaliya, isla markaana ay si iskeed ah ula midoowday, si loo mideeyo dhulalka dadka Soomaaliga ku hadla, balse midowgaasi aan la mahadin, taasi oo dhalisay inay Somaliland madaxbannaanideeda dib ugala soo noqoto.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in Somaliland muddo dheer ay raadinaysay aqoonsigeeda, isla markaan ay sii wadi doonto ka midhodhalintiisa.

Madaxweyne Cirro wuxuu ku dooday in Somaliland ay raadinayso xulafo cusub iyo dalal ay xidhiidh la yeellato, wuxuuna carrabka ku dhuftay in cadaawada ka dhanka ah Somaliland ay sii korodhay, taasina ay keenayso in si taxadar leh loo qaado tallaabo kasta.

Warsiduhu wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay ka go’an tahay inay sii xoojiso cilaaqaadka ay la leedahay Israel oo ay qorshaynayso furitaanka safaarado iyo is-dhaafsiga wakiillo ganacsi.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay ka faa’iidaysan doonto horusocodka tiknoolajiyaddeed ee Israel, gaar ahaan dhinacyada waxbarashadda, beeraha, biyaha iyo teknoolajiyadda casriga ah.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu iftiimiyay rabitaanka Somaliland ee ku wajahan inay xidhiidh adag la yeeshaan Maraykanka, waxaanu ka warramay muhiimadda istiraatiijiyaddeed ee xeebaha Somaliland ee Badda Cas iyo Geeska Afrika, kheyraadka macdanta ee ay Hodanka ku tahay Somaliland iyo Shiidaalka.

Shabakada Semafor waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in
Taageerayaasha Somaliland ee Maraykanku ay u arkaan inay noqon karto saaxiib amni oo muhiim ah oo ka jira Geeska Afrika. waxaanay qabaan in Aqoonsi rasmi ah oo ay hesho Somaliland uu suurto-gal ka dhigi kara in Maraykanku ka hirgeliyo saldhig sirdoon, si loola socdo qulqulka hubka iyo saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha, oo ay ku jirto saldhigga millatari ee Shiinuhu ku leedahay Jabuuti.

Waxa kaloo warbixintu ka xaal-warrantay maalgelinta Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ay ku samaysay marsadda caalamiga ah ee Berbera.