Xukuumadda Somaliland oo sii adag ugu Jawaabtay Madaxweynaha Soomaaliya

Hargeysa-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sI adag uga jawaabtay hadallo ka soo yeedhay Madaxweynaha maamulka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hanjaabadiisu ka dhigan tahay mid aan cago adag ku taagnayn.

Sidaasna waxa Sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ay soo turjuntay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter). Waxaannu iftiimiyay in Hadalladii u dambeeyay ee Madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay Aljazeera ay yihiin qaar aan xaqiiqada ku sallaysnayn oo ah caado ay qabatintay hoggaanka dawlad fashilantay oo guuldarrada ka dhalatay gondaheeda ku eedaynayso cid kale.

Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu ku eedeeyay maamulka Soomaaliya in aanay awoodin inay xukumaan dalkooda, isla markaana aanay ka soo dhalaali karin sugida amniga caasimadooda oo qudha, wuxuuna intaas ku daray in ciidammo shisheeye ay ilaaliyaan.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland wuxuu xusay in ciidammo shisheeye ay ilaaliyaan Soomaaliya, Halka qaybi badan oo dalkeeda ka mid ahna aanay gacantaba ugu jirin dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee loo yaqaano “Dawladda Federaalka.”

Xuseen Deyr wuxuu hoosta ka xariiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay ka duwan tahay Soomaaliya, oo ay leedahay hoggaan xilkas ah, kana jirto nabad iyo xasilooni.wuxuuna tibaaxay in Somaliland dalkeeda ilaashato shabigeedana difaacdo.

Afhayeen Deyr ayaa intaas ku daray inay Somaliland u maareyso xidhiidhada caalamiga ah si hufan oo xafidan.

Afhayeenku wuxuu mar kale sI adag u beeniyay oo uu ku tilmaamay “been cad” wararka ka soo yeedhay Soomaaliya ee la xidhiidha inay dadka reer Qasa loo soo rarayo Somaliland.

“Somaliland waa u xor inay saxeexdo Heshiisyada Abraham (Abraham Accords) isla markaana si buuxda ula shaqeyso Dawladda iyo shacabka Israa’iil, ayuu yidhi Afhayeenku.

Waxa kaloo uu caddeeyay in aanay Somaliland dheg u dhigi doonin hanjabaadaha ka soo yeedhay madaxweyne aan la dooran ee Soomaaliya, iyadoo Xukuumadda JSL diyaar u tahay difaaca qarannimadeeda iyo dadkeedaba.