Hargeysa-Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdalle Maxamed Carab iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo ku maraya gobollada Awdal iyo Selel, ayaa maanta kula kulmay degmada Garbo-dadar Guddi ka socota Golaha Guurtidda.
Guddidan ka socday Golaha Guurtida JSL, ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtiddu u xilsaaray xaaladda ka taagan Deegaanno hoos Yimaada Gobolada Awdal iyo Selel,
Weftiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland waxa kulanka uu la yeeshay Guddida Guurtida lagaga hadlay xaaladda deegaanadaasi weftigii xukuumadda JSL ee maalmahanba ku sugnaa deegaanadaasi.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, Mudane Cabdale Maxamed Carab, iyo weftiga
Hoggaaminaayo iyo xubnaha guddida ka socday golaha Guurtida ka hawl geli doona sidii ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen Beelaha walaalaha ah ee dhawaan shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanno ka tirsan gobolka Selel.
