Shirkad Laga Leeyahay UAE oo Adeeg Koronto ka Hirgelisay Berbera .

BERBERA -Shirkadda maalgashiga ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta ee Global South Utilities, ayaa si rasmi ah u daah-furtay warshad koronto oo ku shaqaysa tamarta qorraxda, taas oo laga hirgeliyay magaalada Berbera ee xarunta ganacsiga Somaliland.

Warbixin ay faafisey shirkadda maalgashi ee Imaaraadka Carabta ee Global South Utilities, soona turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa lagu sheegay in Warshaddani ayaa qayb ka tahay qorshe ballaadhan oo lagu doonayo in Berbera lagaga guuriyo nidaamka korontada naaftada ku shaqaysa, loona beddelo hannaan ku salaysan tamarta cadceedda iyo kaydinta batteriyada.

Warbixinta ayaa xustay in Mashruucan cusub ay la socdaan in ka badan 11 kiiloomitir oo xadhkaha gudbinta korontada ah iyo xarumo qaybin ah oo si gaar ah loogu talagalay in ay korontadu si hufan ugu gaadho xaafadaha iyo goobaha ganacsiga.

Warbxintu waxay sheegtay in la filayo in warshaddu soo saarto ku dhawaad 10,000 megawatt-saacadii oo koronto nadiif ah sannadkii, taas oo dabooli karta baahida ku dhowaad 28 kun oo qoys.

Sidoo kale, mashruucan ayaa xoojin doona xasilloonida korontada ee ganacsiyada, adeegyada bulshada iyo hawlaha warshadaha.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in hirgalinta mashruucani uu si toos ah uga qayb qaadanayo istaraatiijiyadda tamarta ee Somaliland, taas oo la doonaysa in lagu yareeyo ku tiirsanaanta shidaalka naaftada ee dibadda laga keeno.

Isticmaalka tamarta qorraxda ee Somaliland ayaa la saadaalinayaa in lagu yareeyo qiiqa kaarboonka, isla markaana hoos loo dhigayo wasakhowga.

Shirkadda Global South Utilities ayaa haysata 45 boqolkiiba saamiga shirkadda Berbera Electricity Company, taas oo maamusha korontada magaaladaas.

Qorshaha muddada dheer ayaa ah in tamarta qorraxdu noqoto isha ugu weyn ee korontada maalintii, halka batteriyaduna kaalin ka qaadanayaan xasilinta shabakadda iyo maaraynta baahida korontada.

Magaalada Berbera oo ah xarun ganacsi oo muhiim ah, gaar ahaan dhinaca dekedda iyo adeegyada saadka, waxay si weyn ugu baahan tahay koronto joogto ah oo la isku halayn karo, habka Casriyeynta nidaamka korontada ayaa la filayaa in ay sare u qaaddo tartanka magaalada ee heer gobol isla markaana ay taageerto koboc dhaqaale oo waara.

Mashruucan tamarta qorraxda ku shaqaynaya ayaa Berbera ka dhigaya inay hormuud u noqoto isbeddelka tamarta nadiifta ah ee Geeska Afrika.