Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo SI adag ugu Jawaabtay Turkigiga.

Hargeys — Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga jawaabtay hadallo dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga oo ku saabsanaa Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hadalladaasi ay ka dhigan yihiin faragelin aan la aqbali karin oo lagu wiiqayo xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka gobolka iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah.

Xukuumadda Somaliland waxay bayaamisay in go’aamada la xidhiidha siyaasadda dibadda ee dalalka Geeska Afrika ay yihiin arrimo u gaar ah dawladaha iyo shucuubta gobolka, isla markaana aan la ogolaan karin in loollanka ama khilaafaadka dibadeed lagu soo dhex tuuro gobolka si ay u carqaladeeyaan xasilloonida iyo iskaashiga.

Somaliland waxay ugu baaqday Jamhuuriyadda Turkiga in ay ixtiraamto mabaadi’da aasaasiga ah ee xidhiidhka caalamiga ah, gaar ahaan is-ixtiraamka, faragelin la’aanta, iyo xaqa qaranimada ee go’aan-qaadashada madaxbannaan.

Dowladda Somaliland waxay sidoo kale muujisay in mowqifkeedu yahay mid ku dhisan ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wada-shaqaynta gobolka.

Ugu dambayn, Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddeysay in dedaalkeeda ku wajahan kobcinta xidhiidhada diblomaasiyaddeed iyo raadinta aqoonsi caalami ahi uu yahay mid nabadeed, sharciyeysan, isla markaana ku sallaysan rabitaanka dimuqraaddiyadeed ee shacabkeeda, iyadoo aanay jirin cid xaq u leh in ay faragelin ku samayso go’aannadeeda qaran.