Badhasaabka Sanaag oo la Kulmay Iskuduweyaasha Gobolka.

Ceerigaabo-Shirka toddobaadlaha ah ee Isuduwayaasha Laamaha Dawladda Gobolka Sanaag ayaa maanta ka qabsoomay xafiiska Maamulka Sanaag Ajendaha kulanka ayaa ahaa dardargelinta shaqada, kor u qaadista isla xisaabtanka masuuliyiinta, iyo sidii loo xoojin lahaa hawlaha qaranka ee ka socda gobolka.

Ugu dambayn, waxa si guud laysla qaatay in Gobolka Sanaag u baahan yahay maamul-daadejin heer qaran ilaa heer degmo, si shaqada gobolku u noqoto mid isku xiran, isla jaanqaadaysa, kuna dhisan qorshe mideysan.

Kulankan waxaa guddoominayey Badhasaabka Gobolka Sanaag, waxaana goob-joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Xoghayaha Gobolka Sanaag.