“Xorriyada Somaliland waxa Go’aamin kara uun shacbiga dalkaas.”

“Addis-ababa-Siyaasiga Itoobiyaanka ah ee Billisumma Beranu Ararsa, ayaa ka hadlay qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo bayaamiyay in mustaqbalkeedu ku xidhan yahay rabitaanka shacabkeeda.

Billisumma Beranu Ararsa wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaannu xusay in xorriyadda Somaliland aanay ku jirin gacanta Itoobiya ama dal kale toona , isla markaana aanay xataa ahayn arrin Soomaaliya dibadda ka go’aamin karto.

Billisumma Beranu Ararsa, waxa uu naqdiyay qaar ka mid ah kooxaha u dooda midnimada Soomaaliya, oo Itoobiya ka dalbanaya in lala raadiyo midnimo ay iyagu gudaha dalkooda ka hirgelin waayeen, isaga oo ku dooday in dhexdhexaadnimadu aanay noqon karin waajib hal dhinac saaran.

Billisumma ayaa sidoo kale tibaaxay in isbahaysiyada ay dawladda Muqdisho la sameeyaan Qaahira iyo Asmara ay ka hor imanayaan dalabka ay Itoobiya ka sugayaan, taas oo uu ku sifeeyey jahawareer siyaasaddeed.