Guddida Arrimaha Bulshada ee Wakiillada oo la Kulmay Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka.

Hargeysa- Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kulan shaqo la yeeshay Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka (KQMC), si ay uga dhagaystaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hawlaha ay guddidu qaranka u hayso iyo caqabadaha ka jira gudashada waajibaadkeeda.

Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Golaha Wakiillada, gaar ahaan xafiiska Guddida Arrimaha Bulshada, waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada, Axmed Cabdi Ducaale (Walhad), waxaana ku wehelinayay xubnaha xildhibaanada ee guddida.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in si qoto dheer oo masuuliyad leh looga wada hadlo shaqada Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka (KQMC), gaar ahaan:

• Diiwaangelinta iyo ruqsad-siinta mihnadlayaasha caafimaadka.

• Kormeerka iyo hubinta tayada adeegyada caafimaad.

• Ilaalinta anshaxa mihnadda iyo xuquuqda bukaanka.

• Qaabka loo maareeyo dacwadaha la xidhiidha khaladaadka xirfadeed.

Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka ayaa sharaxaad ka bixisay habraaca dacwadaha, iyagoo caddeeyay in dacwad kasta si rasmi ah loo qaabilo, baadhitaan sharci iyo mid xirfadeed lagu sameeyo, kadibna go’aan laga gaadho marka la dhammeeyo hubinta iyo qiimaynta caddeymaha.

Waxaa sidoo kale la xusay in haddii lagu qanci waayo go’aanka, labada dhinacba ay xaq u leeyihiin inay racfaan ka qaataan si waafaqsan nidaamka sharci ee dalka.Dhanka tirakoobka dacwadaha, waxaa la sheegay in:

• 60 dacwadood ay soo gaadheen KQMC.

• 30 dacwadood go’aan laga gaadhay.

• 13 dacwadood dukumentiyadoodu aanay dhammaystirnayn.

• 7 dacwadood la dhammeeyay faylkooduna la xidhay.

• 2 dacwadood wali qabyo yihiin.

• 7 dacwadoodna ay baadhistoodu socoto.

Intii kulanku socday, xubnaha Guddida Arrimaha Bulshada ayaa su’aalo kala duwan ka weydiiyay masuuliyiinta KQMC, kuwaas oo la xidhiidhay hab-raacyada shaqo, hufnaanta nidaamka, dabagalka dacwadaha, iyo tayada adeegyada caafimaad.

Masuuliyiinta guddida ayaa si waafi ah uga jawaabay dhammaan su’aalihii la weydiiyay, iyagoo bixiyay faahfaahin dheeraad ah iyo caddeymo qanciyay guddida.

Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday caqabadaha jira, oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo xeerar iyo nidaamyo mideeya hawlaha si looga hortago isbarbar-socodka xafiisyada qaarkood, miisaaniyad yaraan saamayn ku leh hawl-fulinta, iyo culaysyada kale ee saameeya nidaamka caafimaadka.

Gabagabadii, Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqaynta, kor u qaadista isla xisaabtanka, iyo tayaynta adeegyada caafimaadka, si loo hubiyo in bulshada loo helo adeeg caafimaad oo hufan, cadaalad ah, oo waafaqsan sharciga dalka.