Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaciyey in wasaaraddiisu waddo qorshe lagu doonayo in barashada dastuurka iyo wacyigelinta wadaniyadda lagu daro manhajka waxbarashada dalka, arrintaas oo uu tilmaamay in baahi weyn loo qabo.
Wasiirku wuxuu caddeeyey in qorshahani uu qayb ka yahay dadaallo lagu xallinayo caqabadaha jira, isaga oo xusay in dastuurka iyo wadaniyaddu mustaqbalka ka mid noqon doonaan maaddooyinka laga dhigo jaamacadaha iyo dugsiyada kala duwan ee dalka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadaalka ay wadaan uu yahay in barashada dastuurka iyo kor u qaadidda wacyiga wadaniyadeed lagu dabaqo dhammaan heerarka waxbarashada, taas oo uu ku tilmaamay mid dawo u noqon karta caqabadaha hortaagan horumarka guud ee dalka.

