Hargeysa-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa magacaabay masuuliyiin cusub.Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa kala ah sidan:-
1)- Cabdillaahi Maxamuud Ibraahim (Beershiya), ayaa loo magacaabay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Caasimadda Hargeysa.
2)- Eng. Aadan Daahir Cabdillaahi (Cadde), loo magacaabay Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha ee Caasimadda Hargeysa.
3- Axmed Maxamed Muuse Nuux (PhD), ayaa loo magacaabay Madaxa Unugga Xidhiidhinta, Dardargelinta Mudnaanta iyo Waxqabadka Hay’adaha Xukuumadda.

