“Dhallinyarada Somaliland waa Ilaaliyeyaasha Qarannimada” Afhayeen Deyr

Hargeysa-Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Eng. Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland oo dhashay 1991 iyo wixii ka dambeeyay ay yihiin jiilka xorriyadda Somaliland.

Afhayeenku wuxuu xusay in da’yarta Somaliland aanay weligood ku hoos noollaan callanka Soomaaliya, isla markaana aanay aqoon maamul ka yimid Muqdisho oo dalkooda Somaliland ka shaqeynaya.

Waxaanu tilmaamay in dhallinyartu u arkaan fikirkii dhicisoobay ee ‘midnimada Soomaaliyeed’ sheeko berraley hore oo fashilantay.

Xuseen Deyr wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter), waxaanu iftiimiyay in dhallinyarada Somaliland ay dhaxleen dal awoowyaashood ku xoreeyeen dedaal,dhiig iyo halgan nafhur ah, wuxuuna tibaaxay in dhallinyarada dalkani ay ku kacaameen madaxbanaani buuxda iyo waddankooda oo dib loo dhisay.

“Dhallinyarada Somaliland ma aha muwaadiniin caadi ah oo keliya ee waa ilaaliyayaasha iyo cudduda dhaqaajiya jiritaanka, dawladnimadda iyo madaxbannaanida Somaliland,” ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Deyr.

Waxa kaloo uu hoosta ka xariiqay inMustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland ku tiirsan yahay aaminsanaanta shacigiisa ee la xidhiidha in aanay weligeed dib u dhacaynin inay midow iyo dawladnimo dambe la wadaagaan dawladda fashilantay ee Soomaaliya.

Waxaanu xusay in Somaliland ay gaadhay horumar, isku filanaansho iyo madaxbannaani buuxda.