Abaanduulaha Labaad ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Guuto Axmed Xasan Faarax, oo ay wehelinayaan hoggaanno ka tirsan Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, ayaa maanta tababar u soo xidhay saraakiil lagu carbiyey gudaha dalka, gaar ahaan Kuliyadda Saraakiisha ee Cabdilaahi Askar.
Saraakiishan qalin jabisay ayaa muddadii uu tababarku socday ku baranayey culuumta ciidammada iyo xirfado muhiim u ah hoggaaminta iyo hawlaha kala duwan ee Ciidanka Qaranka.
Abaanduulaha Labaad Sareeye guuto Axmed Xasan Faarax oo hadal ka jeediyey munaasabadda, ayaa saraakiisha kula dardaarmay inay qarankooda ugu adeegaan daacadnimo, hufnaan iyo karti, isla markaana ay noqdaan tusaale hoggaamineed. Tababarkan ayaa qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo tayada iyo xirfadaha Ciidanka Qaranka JSL.
