1.Fadhigii 53-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland kaas oo lagaga hadlay qodobo muhiim u ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland .
2.Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxda Sare ee Hayโadaha kala duwan ee Qaramada Midoobay (UN) ee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland, sida (Madaxa UN Coordination Office, UNICEF, WFP, UNOCHA, UNFPA, UNRCO), kuwaasi oo Booqasho Sharafeed ugu yimid Madaxweyne ku-xigeenka JSL.
3.Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaaDaah-furay Qorshe Magaaleedka (Master Plane) Magaalada Berbera
4.Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, ayaa mamnuucay in Banka Aroori xoolaha loo furey jn lala galo waxyaabaha dabka dhaliya gaar ahaan Sigaarka, Kabriidka iyo wax kaste oo dab dhalinaya.
5.Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL Cabdirashiid Maxamed Axmed ( Magaalo) ayaa sheegay in aanu jirin Ajaaniib gaar ah oo la bartilmaameedsanayo, isaga oo xusey in ay waajib tahay in la diiwaangaliyo dhamaan ajaaniibta dalka ku nool.
6.Wasiirka Wasaaradda Dib u Dejinta iyo Arrimaha Baniโaadannimada, Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, oo ay weheliyaan masuuliyiinta Wasaaradda, ayaa shir muhiim ah la yeeshay Hayโadda IHS.
7.Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Biniโaadantinimada Mukhtaar Cabdi Jaamac (Baaxo) ayaa kaga qayb galay shirka SUIDAC Working Group Meeting magaalada Borama, kaasi oo muhiimada lagu saarayey dardargelinta, qorshaynta iyo isku-xidhka mashruuca magaalooyinka Gabiley iyo Boorama.
8.Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland ayaa soo bandhigtay saddex cagaf oo wasaaraddu u soo iibsay si loo horumariyo wax-soo-saarka beeraha dalka.
9.Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta Dhaqaalaha Somaliland Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi, oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa furay kulan lagu qiimaynayo aqoonta iyo kartida shaqaalaha Waaxda Baadhista Gudaha.
10.Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada JSL ayaa ka bilaabay degmada Baki ee gobolka awdal Tartanka Maalgalinta Xirfadaha Dhalinyarada.
11.Wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Cali Axmed Cabd (Cali Canter) ayaa kormeer ku tagay goobaha xoolaha lagu xanaaneeyo iyo sidoo kale xarumaha ay ku shaqeeyaan dhakhaatiirta ka shaqeeya caafimaadinta xoolaha ee magaaladda Berbera.
12.Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa kulan ballaadhan isugu yeedhay daneeyayaasha gaadiidka dowladda.
13.Wasaaradda horumarinta beeraha ayaa sheegtay in deegaannada galbeedka Somaliland ay ka socdaan dedaallo ay samaynayaan Beeralayda oo u shaqaynaya hab iskaashi ah, ka dib markii Wasaaradda Beeruhu gacan ka siisay tababbarada la xidhiidha hababka ugu wanaagsan ee dhanka wax soo-saarka Beeraha.
14.Guddiga Abaaraha Heer Qaranka ee Somaliland ayaa ka dayriyey xaaladda abaareed ee ka jirta dalka, iyaga oo sheegay in waxa ugu daran ee taagan ay yihiin biyo laโaan baahsan.
15.Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa daah-furay madasha dhaqan-galka Xeerka Rahanka Bangiyada iyo Hayโadaha maaliyadeed ee dalka Xeer Lr. 110/2025.
16.Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Cabdalle Maxamed Carab ayaa dib ugu wareejiyay mulkiilihii gaadhi la qabtay xilligii dagaalkii ka dhacay deegaano ka tirsan Gobollada Awdal iyo Selel
17.Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga JSL, mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa sheegay in ay sugeen ka xukuumad ahaan nabadgaliyada gobolka Salel oo muddooyinkii u danbeeyey ay ka taagnayd xaalad colaadeed,waxaana uu xusay in ay heshiis saxeexeen odayaasha dhaqanka ee gobolka Salel.
18.Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL ayaa si adag u cambaareysay eedaymo iyo warar aan sal iyo raad toona lahayn oo madaxda Soomaaliya kasoo baxay,kuwaas oo ay baahisey warbaahinta ay Al-Jazeera oo iyaduna caddaysatay dagaalka ay kula jirto Jamhuuriyadda Somaliland.
19.Hay’adda Dhawrista Tayada JSL ayaa joojisay Dawada: “๐๐ข๐๐๐ข’๐ฌ ๐๐จ๐ฅ๐ ๐๐ซ๐๐ฅ ๐๐ฎ๐ฌ๐ฉ๐๐ง๐ฌ๐ข๐จ๐ง”, ๐๐ ๐๐๐ญ๐๐ก ๐๐ฎ๐ฆ๐๐๐ซ-๐ค๐๐๐๐ฎ ๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ: ๐๐-๐๐๐๐๐. Taariikhda ay soo baxdayna ay tahay ๐๐ฎ๐ ๐ฎ๐ฌ๐ญ- ๐๐๐๐, halka taariikhda dhicitaankeeduna uu yahay ๐๐ฎ๐ฅ๐ฒ- ๐๐๐๐. Xidhmadan ama Batch number-kan oo ah mid tayadiisu xumaatay.
20.Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa ka guddoomay hayโadda UNICEF shahaado sharaf ay ku maamuuseen Wasaaradda, gaar ahaan waaxda Talaalka iyo Caafimaadka Carruurta, taas oo muujinaysa aqoonsi iyo qaddarin ku aaddan dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo caafimaadka Caruurta. Warbixintan waxa soo diyaariyay xafiiska daba galka wararka ee wakaaladda waararka ee SOLNA
