Hargeysa-Somaliland ayaa si rasmi ah loogu daray dalaka uu Maraykanku u ogolaaday ka-qaybgalka Barnaamijka Hoggaamiyeyaasha Caalamiga ah ee McCain 2026, taasoo fursad cusub u furaysa Somaliland dhinaca hoggaaminta iyo xidhiidhka caalamiga ah.
Barnaamijkan ayaa ka qabsoomi doona gobolka Arizona ee dalka Maraykanka, wuxuuna diiradda saarayaa horumarinta hoggaaminta iyo iskaashiga caalamiga ah.
Ka-qaybgalka Somaliland ee Barnaamijka Hoggaamiyeyaasha Caalamiga ah ee McCain ayaa siinaya masuuliyiinta iyo wakiillada fursad ay ku kobciyaan xirfadaha hoggaaminta, isla-xisaabtanka iyo maamul wanaagga casriga ah.
Tababbarrada iyo aqoonta la siin doono ka qeybgalayaasha waxay Somaliland ka caawin kartaa xoojinta hoggaaminta gudaha iyo horumarinta nidaamyada maamul ee dimuqraadiyadda ku dhisan.
Barnaamijku wuxuu sidoo kale albaabyo u furaa Somaliland dhinaca xidhiidhka caalamiga ah, isla markaana siinayaa fursad ay khibraddeeda dimuqraaddiyadeed iyo nabad ku dhisan is-maamul ula wadaagto dalalka kale, iyada oo fursado cusub oo maalgashi iyo iskaashi dhaqaale ay ka dhalan karaan.
