Ciidanka Booliska oo ka Hadlay Nin Suuriyaan ah oo la Xidhay

Hargeysa-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay cabasho ka soo yeedhay nin Suuriyaan ah oo maxkamadda degmada Hargeysa waaran u soo jartay.

Ciidanka Boolisku waxa ay qoraal ay soo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin qaabkii ninkaasi Suuriyaanka ah loo qabtay, waxana qoraalkii ay soo saareen u dhignaa sidan:-“Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu caddaynayaa wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee la xidhiidha kiis nin u dhashay dalka Suuriya, kaas oo muuqaallo ku faafiyey baraha bulshada, kana cabanayay qaabkii loo qabtay.

Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu xaqiijinayaa in ninkaasi Maxkamadda Degmada Hargeysa ay u soo jartay waaran qabasho ah.Si kastaba ha ahaatee, Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si aada uga xun yahay qaabka ay wax u dhaceen intii hawlgalkaasi socday. Sidaas darteed, waxa si degdeg ah tallaabo looga qaaday Askartii falkaas samaysay , waxaana haatan socda baadhitaan dheeraad ah.

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa mar walba ka goโ€™an ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo dadka ku sugan dalka, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka dalka u yaalla.”