Hargeysa-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn uga shaqeynaysa dib-u-dhiska iyo soo celinta taariikhdii Saylac iyo guud ahaan gobolka Salel, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Salel, Prof. Axmed Maxamed “Dhegayare.”
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dedaalka dib-u-dhiska ee gobolka ay qeyb ka yihiin qorshe lagu xoojinayo hiddaha iyo taariikhda gobolka, isagoo xusay in Masaajidka taariikhiga ah ee Qiblatayn ee ku yaalla Saylac Lagu samaynayo dib-u-dhis ballaadhan.
Masaajidkaasi, oo ah goob leh muhiimad diini iyo taariikhi oo weyn, ayaa dib loo dhisayaa si uu u soo celiyo muuqaalka iyo qiimaha uu lahaa.
Prof. Dhegayare ayaa intaa ku daray in dhismayaasha kale ee taariikhiga ah ee gobolka Salel ay sidoo kale la filayo in si tartiib tartiib ah dib loo soo celiyo, ayna taariikh ahaan ku muujin doonaan horumarinta gobolka iyo ilaalinta hidihiisa.
Mashruucyadan dib-u-dhiska ayaa qayb ka ah qorshe ballaadhan oo loogu talogalay in lagu soo celiyo taariikhdii hore ee Saylac iyo guud ahaan Salel.

