Aqoonyahan u dhashay waddanka Malaysia oo lagu magacaabo Prof. Dr. Zainur Rashid Zainuddin, ayaa Warbixin dheer ka qoray khayraadka dabiiciga ah ee hodanka ku tahay Jamhuuriyadda Somaliland.
Aqoon-yahankan ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa rasmiga ah ee mareegta X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA wuxuu ku sheegay in Somaliland ay rajaynayso inay heshiis ganacsi oo istiraatiiji ah la gasho dalka Israa’iil, oo ah waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanida Somaliland, heshiiskaas oo ay ku jiraan keyd macdan iyo khayraad dabiici ah oo ay Somaliland hodan ku tahay.
Prof. Dr. Zainur Rashid Zainuddin, ayaa soo xigtay waraysi uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro siiyay wakaaladda wararka ee Reuters, isla markaana uu ku muujiyay in wada hadallada arrintan ku saabsani ay marayaan heer qorshe iyo is-dhaafsi danaha labada dhinac ah.
Sidoo kale, Prof. Zainur Rashid Zainuddin waxa uu iftiimiyay in Somaliland ay tahay dal aad ugu qani ah marka laga eego dhinaca kheyraadka dabiiciga ah, isagoo xusay in ay leedahay saliid, gaas, macdan, kheyraad baddeed, wax-soo-saarka beeraha, tamarta iyo qaybo kale oo muhiim ah, aqoon yahankan ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay khayraad kale oo ay ka mid yihiin wax-soo-saarka hilibka, kalluunka iyo macdanta, kuwaas oo ah badeecooyin ay Israa’iil si weyn ugu baahan tahay.
Dhinaca kale, aqoonyahanku wuxuu xusay in Somaliland ay dhinaceeda raadinayso in ay ka faa’iidaysato horumarka Israa’iil ee dhinaca tignoolajiyada casriga ah, taas oo ay u aragto furaha horumar dhaqaale, mid farsamo iyo mid istiraatiiji ah oo mustaqbalka fog wax weyn ka beddeli kara xaaladda dalka.
