Kulan-hawleed Ku Saabsan Nidaaminta Qaab-dhismeedka Sharci Ee Iskaashatooyinka Beeraha

Hargeysa- Xarunta dhexe ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Magaalada Hargeysa, waxa Maanta lagu qabtay kulan-hawleed muhiim ah.

Kulan-hawleedka oo ay soo qaban-qaabisay Waaxda Suuqaynta Waaxda Suuq-geynta Wax soo-saarka ee Wasaaradda Beeraha, ayaa waxa furay isla-markaana shir-guddoomiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Eng. Cabdirisaaq Axmed Gaas.

Shirka oo ku saabsanaa “Nidaaminta Qaab-dhismeedka Sharci ee Iskaashatooyinka Beeraha Somaliland, ayaa waxa furitaankiisii ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdirisaaq Axmed Gaas, Agaasimaha Waaxda kulanka soo qaban-qaabisay Fu’aad Cumar Maxamed (Bad-maax) iyo xubno matalayey Iskaashatooyinka Beeraha.

Shirka waxa ka qayb-galay Madaxa qaybta iskaashatooyinka ee Wassaradda Beeraha Xaliimo Xasan Odowaa, xubno ka socday mashruuca Baanka Adduunka ee FSRP, KCG oo ah Hay’ad la-talineed, iskaashatooyinka Beeraha ee gobolka Maroodi-jeex, khuburrada Beeraha iyo Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Beeraha.