Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan ballaadhan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada, kaasi oo lagu xoojinayay iskaashiga amniga ee Booliska iyo dadweynaha.
Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Ciidanka Booliska u qaabilsan xidhiidhka dadweynaha, waxaa saraakiishii ka hadashay ay sheegeen in ay albaabadoodu u furan yihiin dadweynaha ciidanka Booliska kala shaqeynaya tibaaxaha shakiga keenaya ee wax u dhimi kara nabadgelyada iyo xasiloonida dadka.
Saraakiisha ka socday Ciidanka Boolisku waxa ay shacbiga Somaliland ku bogaadiyeen fiiro dheeridooda la xidhiidha inay Booliska u yihiin indho iyo dheggo ay kaga hortagaan wixii amni darro keenaya ee ay arkaan.Ciidanka Boolisku waxa kaloo ay ballanqaadeen inay marwalba diyaar u yihiin ka jawaabista xogaha dadweynaha.
Waxgaradka, dhallinyarada iyo haweenka shirkaas ka qaybgalay ayaa soo dhaweeyay u heellanaanta ciidanka Booliska ee la xidhiidha adkaynta nabadgelyada.Dadweynihii ka qaybgalay kulamkaasi waxa ay xaqiijiyeen inay ka hawlgeli doonaan xaafadaha iyo degmooyinka Magaalada Hargeysa, isla markaan ay si feejigan oo isku-xidhan ula shaqeyn doonaan ciidammada ammaanka.
