
Warsidaha Consultancy Africa ayaa warbixin dhinacyo badan leh waxa uu ka qoray faa’iidooyinka ay keentay maalgelintii lagu sameeyay dekeda Berbera.
Warsidahan oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegay in Maalgelinta iyo balaadhinta Dekedda Berbera ay Somaliland u keentay faa’iidooyin la taaban karo oo dhaqaale, ganacsi iyo deegaanba isugu jira, warbixinta ayaa tilmaantay in maalgelintaasi ay xoojinayso doorka dekedda Berbera ku leedahay hawlaha ganacsi ee gobolka iyo dhimista kharashaadka ganacsiyada Geeska Afrika, sida lagu sheegay qiimayn madax-bannaan oo cusub.
Qiimayntan oo ay fulinaysay shirkadda British International Investment (BII) isla markaana ay sameeyeen Itad iyo Steward Redqueen, ayaa lagu lafo-guray saamaynta casriyaynta dekedda Berbera oo ay hirgalisay Shirkadda DP World oo kaashanaysa xukuumadda Somaliland.
Warbixintan ayaa sheegtay in Berbera ay ku taalo gacanka Cadmeed oo ah bogcad istiraatiji ah isla markaana isku xidha marinka mashquulka badan ee Babul Mandab oo uu maro ganacsiga caalamiga ah, warbixinta ayaa intaas ku dartay in qiimayntaas lagu ogaaday in maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha ee dekeddu uu si weyn kor ugu kacay, taasina ay sahashay inay si hufan ula tartanto dekedaha kale ee gobolka ku yaala.
Warsidaha Consultancy Africa ayaa sheegay in awoodda konteenarada ee dekedda Berbera ay ka badan tahay saddex laab, taasoo u oggolaanaysa dekeddu inay qaado maraakiib waaweyn iyo tiro badan oo gaadiid ahi inay hal mar ka soo wada degaan.
