Hargeysa-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u beenisay warar lagu faafiyey baraha bulshada saacadihii u dambeeyey, kuwaas oo sheegayey in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Aadam Xaaji Cali Axmed, uu warqad iscasilaad ah u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Maxkamaddu waxay caddeysay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn, isla markaana ay yihiin been-abuur. Sidoo kale, waxay bulshada uga digtay faafinta wararka aan la hubin, iyadoo ku boorrisay in xogta laga xaqiijiyo ilo rasmi ah ka hor inta aan la baahin.


