Shir ku Saabsan dib u Eegista Qorsheyaasha Hay’adda Shaqaalaha oo Lagu Qabtay Hargeysa.

Hargeysa(SOLNA)-Hayโ€™adda Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland (๐‡๐’๐‡๐ƒ) ayaa maanta qabatay kulan dib-u-eegis lagu sameeyey hirgelinta Qorshaha Istiraatiijiga ah ee Hayโ€™adda (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”โ€“๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ—).
Kullanka oo ah mid lix bilood hal mar la qabto si loo hubiyo qorshaha mudada dheer iyo qorshaha sannadlaha ah ee 2026 is waafaqsan yihiin.

Kulanka waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Hayโ€™adda Shaqaalaha Dawladda JSL, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, Agaasimaha Guud, ๐’๐ข๐œ๐ข๐ข๐ ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ž ๐—๐จ๐จ๐ฌ๐ก โ€œ๐‘๐จ๐จ๐›๐ฅ๐žโ€, iyo dhamaan Agaasimayaasha Waaxyaha.

Intii uu kulanku socday, Agaasimayaasha Waaxyaha ayaa soo jeediyey talooyin lagu xoojinayo tayada qorshaynta, isku-xidhka qorshaha iyo fulintiisa, iyo kor u qaadista isla-xisaabtanka.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda, ๐‚๐š๐›๐๐ข๐œ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ฌ ๐—๐ข๐ซ๐ฌ๐ข ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha waaxyuhu noqdaan kuwo cad, la cabbiri karo, isla markaana si toos ah u taageera horumarinta adeegyada Hayโ€™adda.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud, Siciid Muuse Xoosh โ€œRoobleโ€, ayaa sheegay in qorshayn hufan ay saldhig u tahay fulinta guusha leh ee hawlaha Hayโ€™adda, isagoo ku boorriyey dhammaan waaxyaha inay si dhow ula shaqeeyaan Waaxda Qorshaynta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*