Hargeysa- Fadhigii 6aad ee kalfadhiga 90aad ee Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha Golahaasi Mudane Suleymaan Maxamuud Aadan, ayaa maanta si rasmi ah loogu ansixiyey go’aan la xidhiidha mudo kordhinta Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka Dalka.
Fadhigan ayaa mudanayaasha Golaha Guurtidu cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen muddo kordhin dhan 27 bilood ah oo loo sameeyay Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka ee dalka, waxana ogolaaday 72 Mudane, may jirin cid diiday iyo cid ka aamustay, guddoomiyuhuna muu codaynin.
Go’aankan ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo xaaladda guud ee dalka iyo baahida loo qabo in la dhammaystiro hanaanka doorashooyinka iyo diyaar garowgooda siyaasaddeed ee mustaqbalka.
Golaha Guurtidda ayaa sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xasiloonida dalka iyo sii wadista nidaamka dawladnimo ee dastuuriga ah.
Fadhiga ayaa ku soo dhammaaday jawi degan, iyadoo la filayo in go’aankan uu saameyn ku yeesho jadwalka siyaasadeed nidaamka doorashooyinka ee dalka bilaha soo socda.

