Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Weerar Lagu Qaaday Madaxweyne Trump.

Hargeysa-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa sheegay inuu si weyn uga xumaaday weerarkii la isku dayay in lagu qaado Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweynuhu waxa uu muujiyey farxad ku wajahan in Madaxweynaha Mareykanka, Madaxweyne Ku-xigeenka, Marwada Koowaad iyo dhammaan masuuliyiintii kale ee goobta joogtay ay badbaadeen islamarkaana aan waxyeello soo gaadhin.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo qoraal kooban ku baahiyay bartiisa X soona turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayuu ku sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland si cad uga soo horjeeddo dhammaan noocyada rabshadaha siyaasadeed, isaga oo tilmaamay in ficillada noocaas ahi aanay meel ku lahayn nidaamka dimuqraadiyadeed iyo xukunka shacabka ku dhisan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Mareykanka xilligan adag, isla markaana ay la wadaagayso taageero iyo midnimo.