Somaliland oo Dardar-gelinaysa Casriyeynta Warbaahinta Qaranka.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilowday qorshe ballaadhan oo lagu casriyeynayo warbaahinta qaranka, iyadoo Wasaaradaha Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, iyo Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ay si wadajir ah uga shaqaynayaan hirgelinta warbaahin qaran oo la jaanqaadda tiknoolajiyadda casriga ah.

Shir ay si wadajir ah u guddoomiyeen Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale, iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa diiradda lagu saaray sidii warbaahinta qaranka loogu beddeli lahaa nidaam dhijital ah, si shacabka loogu gaadhsiiyo wararka iyo barnaamijyada qaranka hab waafaqsan isbeddelka tiknoolajiyadda dunida.

Masuuliyiinta labada wasaaradood ayaa isla qaatay in mudnaanta la siiyo casriyeynta Radio Hargeysa iyo Television-ka Qaranka Somaliland (SLNTV), kuwaas oo laf-dhabar u ah warbaahinta dawladda.

Sidoo kale, waxa la magacaabay guddi farsamo oo ay hoggaaminayaan Agaasimayaasha Guud ee labada wasaaradood, kuwaas oo loo xilsaaray qiimayn, qorshayn iyo hirgelinta geeddi-socodka casriyeynta warbaahinta qaranka.