Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay in wasaaraddu waddo qorshe ballaadhan oo lagu diiwaangelinayo hantida qaranka ee gobolka Sanaag iyo guud ahaan dalka.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in hawshan loo xil saaray koox gaar ah oo si rasmi ah uga shaqaynaysa diiwaangelinta dhammaan hantida dowladda ee ku taalla gobolka Sanaag, si loo xaqiijiyo ilaalinta iyo maaraynta saxda ah ee hantida qaranka.
Sidoo kale, waxa uu xusay in wasaaraddu dardargelinayso shaqooyinka iyo adeegyada ay ka waddo gobolka Sanaag, si loo xoojiyo hawlaha horumarineed ee ay ka fuliso deegaanka.
Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay magaalada Ceerigaabo, halkaas oo uu ku joogo safar shaqo oo la xidhiidha hawlaha wasaaraddiisa.

